Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Siyaasi CC Warsame oo ka hadlay Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.
    Somalia

    Siyaasi CC Warsame oo ka hadlay Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay War saxaafadeedkii Madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

    C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qoraalka Villa Somalia uu yahay xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliya, isla markaana aan la soo hadal qaadin xuduntii khilaafka.

    “Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed in ay Villa Somalia tiraahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyee iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in waajib dastuuri iyo mid wadani ay tahay in shacabka runta loo sheego, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu runta ka sheego wada hadaladii Addis Ababa iyo Nairobi.

    Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Saxaafadda Soomaalida in aysan soo minguurin qoraalka Villa Somalia ee ay baaritaan dheeraad ku sameyso su’aalo wax ku oolna la timaado.

    Madaxtooyada Villa Somalia ayaa goor sii horeysay qoraal u muuqday mid hal dhinac ah ka soo saartay wada hadalada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenuya Uhuru Kenyatta, iyadoo aan la socon faah faahin rasmi ah.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.