Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Siyaasi ka shifay heshiis ay Puntland la gashay maraakiib jariif
    Somalia

    Siyaasi ka shifay heshiis ay Puntland la gashay maraakiib jariif

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Siyaasiga Maxamuud Cabdiyare Garlibaax, oo si kooban uga faallooday khudbaddii shalay madaxweynaha Puntland u jeediyay golaha wakiilada, ayaa soo dhoweeyay qodoba ku xusan khudbaddaasi oo ay kamid tahay;  dadaalka xukuumaddu ugu jirto hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah.

    โ€œHadalkii Madaxweyne Deni ka jeediyey Golaha Wakiilada ee ahaa In xukuumadiisa ay ku tijaabinayso seddax Degmo oo Ka mid ah Puntland in habka hanaanka Doorashada hal cod iyo hal qof sanadkan 2019 intaanu Dhamaan laga hirgalin doono si looga helo Khibrad Doorashada hanaanka xisbiyada badan ee mustaqbalka waxaan hubaa inay kalsooni ku abuureyso Shacabka reer Puntland haddii la howlgeliyo Pilot Project tigaaโ€ ayuu yiri Garlibaax.

    Siyaasiga ayaa sidoo kale  bodaadiyay, qodob la xiriiray dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo madaxweynuhu ku sheegay khudbaddiisa sida, dib u-hawlgelinta dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, hirgelinta marso Kalluumaysi oo laga dhisayo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, dhismaha garoonka diyaraadaha Gaalkacyo iyo  laami-saarista jidka Dangoroyo iyo Eyl.

    Balse, dhinaca kale wuxuu wal-wal ka muujiyay, sababta madaxweynuhu Baarlamanka iyo shacabka Puntland ugu faahfaahin waayay, heshiis uu sheegay in xukuumaddu la gashay shirkado kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo shatiyo loo siiyay in ay gurtaan kalluunka xeebaha Puntland sida uu hadalka u dhigay Garlibaax.

    โ€œMadaxweynaha sooma hadal qaadin heshiiskii shacabka welwelka ku abuuray ee ahaa keenista shirkadaha Kaluumeysiga ee China kaasoo laga filayey inuu faahfaahin Ka bixiyoโ€ ayuu sii raaciyay siyaasi Garlibaax oo ka digaya heshiiskaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.