Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somali State oo dib usoo ceshaty Deegaamadii Canfartu ka haysatay
    Somalia

    Somali State oo dib usoo ceshaty Deegaamadii Canfartu ka haysatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay buriyay ama laalay heshiis maamulkii ka horreeyay ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Canfarta ee dalkaasi.

    Heshiiskaasi oo xilligaasi ay taageeraysay dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi waxaa dhacayay rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

    Waxaase xaaladda uga sii daray rabshado dhawaan halkaasi ka dhacay oo lagu laayay ilaa 11 qof oo Soomaali ah laguna dhaawacay ilaa afar kale. Rabshadahaasi ayaa sababay in golaha wasiirrada maamulka Soomaalida uu heshiiskaasi buriyo isla markaana uu ku dhawaaqo in deegaanadaasi lagu soo celinayo gacanta maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida.

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda war-faafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Salaad Dhabar Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in markii ay badatay dhibaatada haysata dadka deegaanadaasi deggan ay go’aansadeen in ay dhulkaasi ku soo celiyaan gacanta maamulkooda.

    “Dhibaatooyin soo noqnoqday oo dad farabadan ay ku le’deen oo ka dhaca saddex degmo oo deegaanka Soomaalida ah, oo hadda ka hor dowladihii hore si sahrcidarro ah ay u hoos geeyeen deegaanka Canfarta ayaa had iyo jeer dadka Soomaalida ah lagu laayaaโ€ฆinta la soo gala dhulka Soomaalida ayaa la laayaaโ€ฆ ilaa iyo hadda 50 qof baa lagu dilay dhulkaa. Dowladda deegaanka Soomaalida guddigeedu fulinta wuxuu go’aansaday in iyada oo laga duulayo dhibaatooyinkii soo noqnoqday, iyo canfarta oo ku guuldareysatay in ay fuliso heshiisyadii howladihii hore ee xitaa sharcidarrada ku gaaray wareejinta dhulkaaโ€ฆsidaa awgeed baa dadkii la laayay, la dhibaateeyay marka dowladda deegaanka Soomaalida wuxuu go’aan ku gaaray in gebi ahaanba heshiiskaasi uu ka noqdo.”

    Salaad Dhabar ayaa ciidamada gaarka ah ee deegaanka Canfarta ku eedeeyay in ay ku soo xad gudbeen dhulka Soomaalida waxa uuna beeniyay in ciidamada Liyuu boolis ee maamulka Soomaalida ay u gudbeen dhanka Canfarta.

    Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka warfaafinta ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Mawliid uu BBC-da u xaqiijiyay dilka 11 qof oo Soomaali ah oo ay dileen maleeshiyaad ka tirsan qowmiyadda Canfarta.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.