Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somalida Sharci la’aanta ku ah Maraykanka oo heshay fursad ay ku qaadan karaan Ruqsada Darawalnimada
    Somalia

    Somalida Sharci la’aanta ku ah Maraykanka oo heshay fursad ay ku qaadan karaan Ruqsada Darawalnimada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 8, 2023Updated:March 8, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa saaxiixay sharci u oggolaanaya muhaajiriinta ay Soomaalidu ku jirto ee aan heysan deganaashaha ama sharciga Mareykanka inay qaadan kaaraan shatiga darawalnimada.

    “Maadaama aan muddo dheer taageere u ahaa shatiga darawalnimada ee qof kasta, waxaan ku hanweynahay inaan saxiixo sharcigan oo u tallaabsanaya inaan ka dhigno Minnesota gobol qof kasta ammaan u ah” ayuu Walz bartiisa Twitter-kiisa kusoo daabacay kadib markii uu saxiixay sharcigan.

    Senator Zaynab Maxamed oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Sare ee gobolka Minnesota, madaxna u aheyd guddigii qoray sharcigan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay hirgelinta sharciga.

    “Waa waalin qurux badan oo u suurtagashay bulshada soogalootiga ee jecel Minnesota.” ayay tiri Senator Zaynab.

    “Aad baan ugu faraxsanaa in aan garab istaago ururada iyo hoggaamiyayaasha bulshada ee oo u dagaalamayey shatiga darawalnimada qof walba muddo tobanaan sano ah. Maanta waxaan farriin u dirnay dadka reer Minnesota ee gobolka oo dhan: Minnesota waa gurigaaga- aad ayaan ugu faraxsanahay inaad qayb ka tahay bulshadayada.” ayay ku tiri Peggy Flanagan oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Minnesota farriin ay soo dhigtay boggeeda Twitterka.

    Kumannaan Soomaali soogalooti ah oo laheyn sharciga Mareykanka ayaa ku nool gobolka Minnesota, kuwaas oo ka faa’iideysan doonaa marka uu dhaqangalo.

     

     

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.