Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliland oo u dirtay DFS hanjabaad la xiriirta isticmaalka Hawada
    Somalia

    Somaliland oo u dirtay DFS hanjabaad la xiriirta isticmaalka Hawada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 13, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar-sayid Cabdulaahi Aadan,ayaa ku eedeeyay Muqdisho inay ku xadgudub tahay heshiisyada Labada dhinac ee Maamulka hawada, isaga oo sheegay in ay siyaasadeeyeen maamulka hawada.

    Waxa uu sheegay in Somaliland ay dacwad u gudbisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee duulimaadyada caalamiga ah.

    Waxa uu intaa ku daray in ay tilaabo ka qaadi doonaan xadgudubyo ay sheegeen in DFS ay ku hor istaagay duulimaadyo ku socda Hargeysa.

    Waxa uu Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland intaa ku daray in DFS ay ku tagrifasho dakhli ka badan Lixdan milyan oo dolar oo Sanad walba kasoo gasha maamulka hawada,waxa uu sheegay in Afartan Boqolkiiba ay ahayd in ay Lacagtaas hesho Somaliland.

    Somaliland,waxay ku hanjabtay in DFS ay qaadi doonto wixii ka dhasha talaabooyin uu sheegay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland inay u qaadi doonaan ka falcelinta ficilo la xiriira Maamulka hawada ee ay Muqdisho horey u sameysay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.