Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasuuqa Shacabka LC ay ku hayso
    Somalia

    Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasuuqa Shacabka LC ay ku hayso

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 9, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayna ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed ku aadan LC.

    Qodobada ka soo baxay waxay udhignaayeen sidan..

    1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga markhaati kaceen Beesha Caalamku in aan Xeebaha Somaliland marnaba ka dhicin wax Falal budhcad badeed ahi.

    2) In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia:-

    3) Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.

    4) Goluhu waxa uu ku boorinayaa in Shacabka Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ahi in ay sii xoojiyaan taakulada binu-aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo Xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

    5) Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland sida Xilkasnimada leh ee ay u dhawreen, una fuliyeen go’aankii xukuumadda ee ahaa inay ku sugnaadaan fadhiisimadooda.

    ALLAA MAHAD LEH

    Naasir Yuusuf Daahir
    Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.