Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo kamid noqotay Dalalka lagu dilay Carruurtii ugu badneyd 2018-kii (Warbixin)
    Somalia

    Soomaaliya oo kamid noqotay Dalalka lagu dilay Carruurtii ugu badneyd 2018-kii (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    LONDON (IDIL NEWS)-Warbixin ay Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ee dalka Britain soo saartay, ayaa lagu sheegay in ka badan 500,000 oo carruur ah laga yaabee inay ku geeriyoodeen Colaadihii ka dhacay Calaamka 5-tii sanno ee la soo dhaafay.

    Cel-celiska Tirada carruurta ku geeriyootay colaadaha Goballadda Caalamka waxay ka badan tahay 100,000 ama inay maalin kasta 300 carruur ah ku geeriyoodaan dalalka ay colaadaha ka socdaan.

    Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in ugu yaraan 500,000  carruur da’dooda ka hooseyso hal sanno ku geeriyoodaan  colaadaha ka socda 10-ka waddan ee ay colaadaha halakeeyeen muddadii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2017-kii

    Warbixinta Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ayaa lagu sheegay in Liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku geeriyoodeen colaadihii dhacay sannadkii 2017-kii kala yihiin: Afganistan, Yemen, South Sudan, Afrikada Dhexe, Kongada Dimuqraadiga, Syria, Iraq, Mali, Nigeria iyo Somalia.

    Balse, Warbixinta laguma xusin tirade carruurta sida tooska ah loogu dilay dagaalladda ka dhacay dalalkaasi.

    Save The Children waxay sheegtay in tirooyinkaasi ku jiraan carruurta iyo ilmaha yar ee laga yaabo inay u geeriyoodeen dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaalladaasi, sida Macluul, cudduro dillaacay, burbur loo geystay Isbitaalladda ama dib-u-dhac ku yimaad gargaarka la soo diray.

    Warbixinta waxaa lagu muujiyey in  geerida carruurta sare u kacday ilaa 870,000 oo carruur, kuwaasi oo dhamaantooda ay ku jireen carruur ay da’dooda ka hooseysay 5 jir.

    Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” waxay qiyaastay in ku-dhawaad 175,000 oo Dagaalyahano ama Askar lagu dilay colaadihii dhacay sannadihii 2013-kii ilaa 2017-kii.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.