Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo sanadkan qabaneysa Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta.
    Somalia

    Soomaaliya oo sanadkan qabaneysa Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirada ee Jaamacada Carabta.

    Wasiir Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii.

    Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame

    Wasiir Cawad ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh.

    Waxaa uu sheegay inta lagu guda jiro shirkaas ay Madaxweyne Farmaajo is arki doonaan Madax kala duwan, sida Madaxweynaha Masar iyo Ra’iisul Wasaarayaasha dalalka Denmark iyo Sweden.

    Shirka maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh waxaa ka qeybgelaya 22ka Hoggaamiye ee Waddamada Jaamacadda Carabta iyo 28-ka Hoggaamiye ee Waddamada Midowga Yurub.

    Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa Maalgashiga, xiriirka, la dagaallanka Argagixisada iyo sidii loo yareyn lahaa Muhaajiriinta ka baxa Waddamada Carabta ee u tahriiba dalalka Yurub.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.