Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka (UPU) in laga qaado xayiraadda (Sawirro)
    Somalia

    Soomaaliya oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka (UPU) in laga qaado xayiraadda (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BERN (IDIL NEWS)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada.

    Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay horumariyaan dhaqaalaha dal kasta maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada ganacsiga kala gudbin lahaa, isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo ay dhallinyaradu ka faa’iideysan karaan.

    Wasiirka oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

    Wasiir Cashuur ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno “Waxa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u mahadceliyo Danjire Bishaar Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo la’aantiis aysan waxyaabo badan noo suurtogaleen.”

    Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.

    Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen, ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo Soomaaliya u fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin buuxda ka noqoto UPU, isaga oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay qaadday Wasaaradda sanadihii ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee Wasaarrada uga go’an tahay in ay soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.

    Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka Switzerland la kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha Wasaaradda ee arrimaha boostada.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.