Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sudan iyo Itoobiya oo ka heshiiyey murankii biyo xireenka wabiga Nile
    Somalia

    Sudan iyo Itoobiya oo ka heshiiyey murankii biyo xireenka wabiga Nile

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hogaamiyaha militariga Sudan,ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

    Biyo xireenkan,ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Dowladda Sudan ee Suna.

    Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya.

    Abiy,ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wabiga Niil uusan “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada”.

    11-kii bishan Janaayo,ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen “in la sii wado wada tashiyada” ku saabsan biyo xireenka Itoobiya.

    Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xireenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Niil.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.