Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sudan: Xubno katirsan Xukuumaddii Al-Bashiiri oo xabsi la dhigay
    Somalia

    Sudan: Xubno katirsan Xukuumaddii Al-Bashiiri oo xabsi la dhigay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KHARTOUM (IDIL NEWS)-Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Cumar Al-Bashiir.

    Xubnahani ayaa wajihi doona dacwado ay ku soo oogaan maxkamadaha dalkaasi.

    Af-hayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

    Mr Shanto ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga,sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi.

    Waxa uu intaa ku daray in dhowr ah hay’adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono.

    Mar sii horeysay militariga ayaa waxay kulan la qaateen wakiilo ka kala socday xisbiyada siyaasadda iyo ururada si looga wadaxaajoodo xalka dhibaatada Sudan.

    Dibadbaxyada ayaa soconaya walow xilkii laga tuuray madaxweynihii dalkaasi mudada dheer maamulayay Cumar Xasan al-Bashiir.

    Mudaaharaadayaasha ayaa waxa ay dalbadeen in si dhaqsiyaha xukunka loogu wareejiyo dadka rayidka ah iyo inay sii joogi doonaan waddooyinka.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.