Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Syria: Ciidanka Turkiga oo gacanta ku dhigay Haweeney la dhalatay Al Baqdaadi
    Somalia

    Syria: Ciidanka Turkiga oo gacanta ku dhigay Haweeney la dhalatay Al Baqdaadi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Haweeney la dhalatay hoggamiyihii hore ee ururka la baxay Khilafada Islaamka, Abu Bakar Al Baqdaadi ayaa lagu qabtay howlgal laga fuliyay Waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen sarakiisha Turkiga.

    Haweeneyda oo 65 sano jir ah, waxaa lagu magacaabaa Rasmiya Awad, waxaana lagu qabtay holwgal ciidan oo isniintii laga fuliyay meel ku dhow magaalada Azaz.

    Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in xariggan uu fa’iido u noqon karo in la helo sirta qiimaha leh ee ururka IS.

    Baqdaadi ayaa is qarxiyay xilli, bishii la soo dhaafay, ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka howlgal ku galeen guri uu degganaa oo ku yaalay Waqooyi-Galbeed ee Suuriya.

    Geeridiisa waxaa guulweyn ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse dadka hadalkiisa ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in ururka IS uu weli yahay halis amni oo ka tagan Suuriya iyo daafha caalamka.

    Mid ka mid ah saraakiisha Turkiga wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xarigga Baqdaadi walaashii ka weyn uu “gacan ka geysan karo in la ogaado shaqada gudaha ee ururka la baxay Khilaafada Islaamka”.

    Wax badan lagama garanayo haweeneydan la dhalatay Baqdaadi, BBC-na ma xaqiijin weli aqoonsiga qofka la qabtay.

    Baqdaadi waxaa la dhalatay shan nin iyo dhowr gabdhood, mana cadda ay dhammaan ay weli nool yihiin, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.