Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo dacwad laga gudbiyay+XOG
    Somalia

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo dacwad laga gudbiyay+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiirka amniga XF Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow.

    Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhowr jeer tagay Xafiiska Taliyaha islamarkaana waayay si loogu sharciyeeyo Ciidamo Ilaaliyo ayaa Wasiirka oo ku qaabilay Xafiiskiisa u sheegay in loo geestay xadgudubyo iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen arintaasina aysan aqbali Karin, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

    Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanadu ay Wasiirka u geeyeen cadeymo muujinaya xadgudubyo uu Taliyaha u geestay Xildhibaanada qaar, iyo in aysan heysan Ciidan ilaaliya, maadaama laga qaaday ciidankii Milateriga ee ilaalada u ahaa.

    Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa xildhibaanada u sheegay in uu la kulmi doono Taliyaha Booliska, islamarkaana la xalin doono tabashooyinka Xildhibaanada si ay u helaan ciidan ilaaliya.

    Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir iyo Xildhibaano kale ayaa dhawaan warbaahinta ka soo muuqday kuwaas oo sheegay in ay jir dileen ciidamo ilaalo u ah Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.