Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Talyaha Ciidamada Maraykanka oo sheegay in Iran Laba Todobaad ku samaysan karto Niyukler
    In this Feb. 3, 2012 photo released by an official website of the Iranian supreme leader's office, Iranian supreme leader Ayatollah Ali Khamenei delivers his sermons of Friday prayers at the Tehran University campus in Tehran, Iran. Iran's supreme leader will deliver a Friday sermon on Jan. 17, 2020 in Tehran for the first time since 2012, as the Islamic Republic grapples with the fallout from the targeted killing of its top general in a U.S. airstrike and popular anger at its accidental shootdown of a passenger plane. (Office of the Supreme Leader via AP)
    Somalia

    Talyaha Ciidamada Maraykanka oo sheegay in Iran Laba Todobaad ku samaysan karto Niyukler

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 25, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    General Mark Milley, oo ah madaxa Talyaha guud ee Ciidamada Mareykanka,ayaa ku sheegay shir ka dhacay Congress-ka dalkan Khamiistii, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, “markii ay go’aansato”, ay soo saari karto agabka lagama maarmaanka u ah hubka nukliyeerka,in ka yar laba Toddobaad.

    General Milley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku soo saari karto walxaha fiska ah ee hubka nukliyeerka laga sameeyo wax ka yar laba toddobaad laga bilaabo “waqtiga uu go’aansado” maamulka.

    Hannaan sameynta ah, ayaa wuxuu qaadan karaa oo kaliya “dhowr bilood oo dheeraad ah” si loo helo hub nukliyeer ah.

    Waxa uu u sheegay guddiga qoondaynta Congress-ka, oo uu goob joog uga ahaa in lagala hadlo miisaaniyadda 2024 ee Pentagon-ka, oo uu weheliyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin.

    Wuxuu generalka sidoo kale tilmaamay in Iran ay khatar ku tahay sii wadisteeda taageerada ay u fidiso argagixisada, iyo kuwa raacsan ee Bariga Dhexe, ee Khalkhalka gelinaya gobolka.

    Madaxa Taliska guud ee Ciidamada Mareykanka,ayaa yiri “Siyaasadda rasmi ah, ee Mareykanka, ayaa waxaa ka go’an inuu ka hortago Iran inay hesho hubka Nukliyeerka”.

    Sargaalka ugu sareeya Ciidamada Maraykanka,ayaa sheegay in Militariga wadanku uu Aqalka Cad u soo bandhigay dhowr fursadood, oo ku saabsan sida loogga jawaabi karo Iran mar kasta ,oo ay go’aansato in ay sameysato hubka Nukliyeerka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.