Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»TikTok oo si rasmi ah looga mamuuncay Maraykanka
    Somalia

    TikTok oo si rasmi ah looga mamuuncay Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 19, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    TikTok ayaa shaqadeedii Mareykanka joojisay goor dambe oo xalay ah, waxaana laga waayay dukaamada Apple iyo Google ka hor sharci dhaqan galaya Axadda maanta, kaasi oo dalbanaya in la xiro app-ka ay isticmaalaan 170 milyan oo Mareykan ah.

    Madaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii shalay sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli mamnuucista TikTok ay Axadda maanta ah ka bilbaanayso ka dib amar shuruud lagu xiray oo maxkamadahu ay aaladdan uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso guud ahaan Mareykanka.

    Barnaamijyada kale ee ay leedahay ByteDance, oo ay ku jiraan app-ka muuqaallada lagu jarjaro ee Capcut iyo app-ka kale ee hab-nololeedka bulshada ee Lemon8, ayaa sidoo kale qadka ka baxay oo aan laga helin dukaamada app-ka ee Maraykanka ilaa xalay.

    Shirkadda TikTok oo qiyaastii ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah siisa dadka isticmaalka aaladdaan.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.