Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada Ciidanka AMISOM ee lagu dilay weerarada Al-Shabaab oo la shaaciyay (Akhriso)
    Somalia

    Tirada Ciidanka AMISOM ee lagu dilay weerarada Al-Shabaab oo la shaaciyay (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii.

    Khabiirka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams waxa uu baaritaankiisa asaas uga dhigay 5 Ilo-wareedyo iyo Xogaha Ururka Midowga Afrika ee lacagaha la siiyey Qoysaska kuwii ay jeclaayeen ee la dilay tan iyo markii Ciiddanka AMISOM loo soo daad-gureeyey Somalia sannadkii 2007-dii.

    Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay.

    Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku sheegay inaysan suurtogal ahayn in la helo tirada rasmiga ee Askarta AMISOM ee geeriyooday, sababo la xiriirta dalalka ay Ciiddanka ka joogaan gudaha Somalia oo aan weli shaacinin Liiska Askartii looga dilay dagaaladii Alshabaab.

    Dhinaca kale, Derbiga Geesiyayaasha ee ku yaalla Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Ababa waxaa lagu qoray Liiska magacyada iyo Darajooyinka Askarii Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Africa ee lagu dilay Hawlgalladda la socda dalalka Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia.

    Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Derbiga Geesiyayaasha ku qornaayeen bishii la soo dhaafay ee August 2019-ka magacyada 1,108 Askarii lagu dilay Hawlgalladda Nabad Ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.

    Professor Paul Williams waxa uu tilmaamay inaan xarumaha AMISOM ee Muqdisho lagu soo bandhigin Liiska iyo magacyada Ciiddankii lagu dilay Dagaalka Alshabaab, balse lagu muujiyey qoraal lagu xusay inay Saraakiisha raga iyo haweenka we AMISOM iyo Ciidamada Qaranka ee naftooda ku waayay si nanad & Ammaan ugu soo dabaalaana dalka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.