Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada Dadka ku Geeriyooday Daadadka Kenya oo siyaaday
    Somalia

    Tirada Dadka ku Geeriyooday Daadadka Kenya oo siyaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya,ayaa Talaadadii sheegtay in daadad xooggan oo ka dhashay cimilada ee El NiƱo ay ku dhinteen 120 oo qof gudaha Kenya, halka ku dhawaad 90,000 oo qoy ay ka barakaceen guryahoodii.

    Qiyaastii ugu dambeysay ee dhimashada Kenya ayaa laba jibaartay, iyadoo roobab mahiigaan ah oo da’ay kadib abaartii ugu darneyd ee soo marta afartankii sano ee lasoo dhaafay ay qarqiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan.

    Kumannaan guri ayay waxyeello soo gaartay, dhul-beereedka ayaa biyuhu fariisteen, halka tobanaan kun oo xoolo ah ay qaraqmeen, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

    Dalka deriska la ah Soomaaliya, fatahaadaha ayaa dilay ugu yaraan 96 qof, waxaana ku barakacay 700,000, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maareynta musiibooyinka.

    Afar gobol oo ku yaalla bariga Kenya ee Tana River, Garissa, Wajeer iyo Mandheera ayaa ah kuwa ugu daran ee ay waxyeelladu soo gaartay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Raymond Omollo.

    Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa saadaalisay in roobab mahiigaanka ah ay sii socon doonaan ilaa Janaayo 2024.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.