Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada Dadka ku Geeriyooday Daadadka Kenya oo siyaaday
    Somalia

    Tirada Dadka ku Geeriyooday Daadadka Kenya oo siyaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya,ayaa Talaadadii sheegtay in daadad xooggan oo ka dhashay cimilada ee El NiƱo ay ku dhinteen 120 oo qof gudaha Kenya, halka ku dhawaad 90,000 oo qoy ay ka barakaceen guryahoodii.

    Qiyaastii ugu dambeysay ee dhimashada Kenya ayaa laba jibaartay, iyadoo roobab mahiigaan ah oo da’ay kadib abaartii ugu darneyd ee soo marta afartankii sano ee lasoo dhaafay ay qarqiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan.

    Kumannaan guri ayay waxyeello soo gaartay, dhul-beereedka ayaa biyuhu fariisteen, halka tobanaan kun oo xoolo ah ay qaraqmeen, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

    Dalka deriska la ah Soomaaliya, fatahaadaha ayaa dilay ugu yaraan 96 qof, waxaana ku barakacay 700,000, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maareynta musiibooyinka.

    Afar gobol oo ku yaalla bariga Kenya ee Tana River, Garissa, Wajeer iyo Mandheera ayaa ah kuwa ugu daran ee ay waxyeelladu soo gaartay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Raymond Omollo.

    Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa saadaalisay in roobab mahiigaanka ah ay sii socon doonaan ilaa Janaayo 2024.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.