Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada dadkii ku dhintay doontii ku qalibantay Baladweyne oo la shaaciyey
    Somalia

    Tirada dadkii ku dhintay doontii ku qalibantay Baladweyne oo la shaaciyey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyey tirada dadkii ku geeriyooday doontii ku qalibantay Magaalada Baladweyne xilli dadkaasi ay kusii jeedeen deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Koonfur ee Magaalada Baladweyne,kadib amrkii Magalada Baladweyne ay buux dhaafiyeen Biyaha fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

    Dadka doontaa saarnaa oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka hir-Shabelele iyo dad Shacab ah ayaa badankood la soo badbaadiyey halka qaar kale ay geeriyoodeen.

    Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in ilaa todobo ruux ay ku geeriyoodeen doontaas o ay kamid yihiin Dahabo Xasan oo kamid aheyd la-taliyeyaasha Madaxweyne Waare Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa xafiiska Dowladda Hoose ee Beledweyne, Deeqo oo aheyd iyadana gabar u dhaq dhaqaaqda arrimaha Bulshada  iyo dad kale oo Shacab ah.

    Markii ay doonta qalibantay ayaa gurmad la sameeyey waxaa lagu soo badbaadiyey Xubno ay kamid ahaayeen Guddoomiyihii hore ee Maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Duqa degmada Baladweyne Safiyo Sheekh Cali Jimcaale iyo dad kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.