Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada iyo Mushahar Ciidamada Soomaaliya oo kordhay (Akhriso)
    Somalia

    Tirada iyo Mushahar Ciidamada Soomaaliya oo kordhay (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ku xusan shaxda Wasaaradda Maaliyadda, ciidamada Soomaaliya, waxaa hadda mushaari ah illaa 40 kun oo ciidan, kuwaas oo qaadanaya $146 million.

    Tirada xoogga dalka guud ahaan waa: 24,063 waxaa kale oo wehliya 2,083 oo ah agoonta xoogga ah, tirada booliisku waa 12,084 oo lagu daray agoonta oo gaadheysa 1.557 halka asluubta lagu sheegay 1,112, waxaan cadadkooda aan la shaacin NISA iyo kuwa gaarka ah!

    Miisaaniyadda 2020, xoogga dalku waxay mushaar ahaan u heli-doonaan ilaa $81,064,240, waxaa ku jira ilaa 7 Major General, Brigadier General(89), Colonel(178), Lieutenant Colonel(122), Major(252), Captain(432), Lieutenant(633), Second Lieutenant(1,682) iyo lugta oo gaaraya 20,668.

    Mushaarkooda waa kala badanyihiin oo tusaale ahaan 7-bada Major General waxaa uu midkiiba bisha qaataa $1,200 halka ciidanka lugta midkiiba la siinayo $170 iyo cuntada oo ah $30.

    Ciidamada lugta ee tiradoodu tahay 20,668 waxay heli doonaan $48.6 million.

    Dhanka booliiska iyaga waxaa ku jira 5 Majors General oo qaadan doona mushaar la mid kuwa xoogga dalka halka kuwa darajada hoose waxay qaadan doonaan ($170) iyo $30 cunto ah sida militariga.

    Waxaa kale oo jira Ila 2,112 oo saraakiil booliis ah oo miisaaniyadda 2020 ku leh $42 million oo isugu mushaar iyo Cunto.

    Agoonta xoogg dalka oo gaadheysa ilaa 2,083 iyo kuwa booliiska oo tiradoodu tahay 1,557 waxaa loo qoondeeyey $200 oo mushaar iyo cunto ah. NISA, tiradoodu waa la qariyey laakin waxaa ay bishii isticmaalaan $552,950 halka sanadkiina ay ku baxeyso 14.5million.

    Asluubta waxaa ku jira saraakiil qaata lacag ka badan kuwa xoogga dalka iyo booliiska, tusaale ahaan Lieutenant General waxaa bishii soo gasha $5,000 halka Major General ay qaataan sida kuwa ciidamada kale -$1,200.
    Saraakiisha asluubta oo gaadhaya 2112 waxaa loo qoondeeyey $8.6 million.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.