Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo Canshuur dheeriya kusoo rogay Wadamada….
    Somalia

    Trump oo Canshuur dheeriya kusoo rogay Wadamada….

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 3, 2025Updated:February 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Trump,waxa uu Canshuur kusoo rogay Dheeriya Dalalka Canada,Shiinaha iyo Mexico.

    Mexico durba,way udabacday dalabkii Trump ee ahaa in ay adkayso xuduuda ay la leedahay Maraykanka oo hakiso Dadka Sharcidarada ah ee soo galaya Maraykanka.

    Sida goor dhawayd ay sheegtay Gabadha xukunta Mexico,waxay isku afgarteen Trump kadib wada hadal dhexmaray in 10-kun oo Askari oo Ciidanka Mexico ah la keeno Xuduuda,taa badalkeedana Trump Mudo Bil ah uu hakiyo Canshuurta dheeriga ah.

    Canada,waxay dhankeeda joojisay ku dhawaad 1200-Shay oo ay ka keensan jirtay Maraykanka,iyadoo uga jawaab celinaysa Canshuurta 25% ah ee Trump kusoo rogay Badeecadaha ay usoo dhoofiso Maraykanka.

    Sidoo kale Canada,waxay sheegtay in ay Ururka Ganacsiga Aduunka ay Dacwad ugudbin doonto ka dhan ah Maraykanka.

    Shiinaha wax hadal iyo talaabo ah oo ka weyn in ay Dacwad ugudbin doonaan Ururka Ganacsiga Caalamka masoo saarin.

    Wadamada Midowga Yurub oo Madaxdoodu shirsan tahay,ayaa iyaguna wal wal weyn ka muujiyay goodiga Trump ee ah in uu kusoo rogi doono Canshuur dheeriya Badeecadahooda.

    “.Dagaal Ganacsi Maraykan iyo Yurub dan uma ahan,waana nacasnimo iyo waxaan dhinacna ku guulaysanayn,hadiise Trump ku adkaysto,waxaan bixin doonaa jawaab adag oo xoogan”Ayay yiraahdeen Madaxda Yurub qaarkood.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.