Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo cusbooneysiinaya Xayiraadda Socdaalka ee dalal ay kamid tahay Soomaaliya
    Somalia

    Trump oo cusbooneysiinaya Xayiraadda Socdaalka ee dalal ay kamid tahay Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020Updated:January 12, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa dhawaan in uu saxiixo ama muddo sanad ah uu ku kodhiyo xayiraada dhanka socdaalka oo uu horey u saarey muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah oo ay Somaaliya qeyb ka tahay.

    Aqalka Cad ee Mareykanka oo looga arrimiyo dalkaas ayaa laga hadal-haayaa in muddo hal sano ah oo dheerad ah uu ku kordhin doono xayiraad dhinaca sodaalka ah oo la saarey muwaadiniin kasoo kala jeeda lix dal oo kala ah, Iiraan,Libya Siiriya,Soomaaliya, suudaan & Yemen.

    Xubno ku dhow dhow Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha Madaxweyne Trump ee uu ku cusbooneysiinaayo xayiraada socdalka ee dalal kamid ah kuwa Islaamka ay tahay markii Saddexaad,isla markaana uu dhawaan saxiixi doono.

    Madaxweyne Trump ayaa sharciga lagu xayiray inay dalka Mareykanka socdaal ku tagaan muwaadiniinta lix dal oo muslimiin ah waxaa uu markii ugu horeysay saxiixey 27-kii Bishii Janaayo sanadkii 2017,kadib markii uu talada dalkaasi la wareegay.

    Qorshaha Madaxweyne Trump ee uu xayiraada socdaalka ah ku saaray dalalkaas ayaa ahaa ololihiisa koowaad ee markii uu ahaa Musharax Madaxweynaha Mareykanka, in kastoo uu cadaadis la kulmayay ayaa hadana waxaa dhaqan galay damiciisa,kaas oo markale uu cusbooneysiinaayo sanadkii Saddexaad.

    Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in qorshihii Trump ee socdaalka xayiraada wadamada Islaamka uu nabad ka dhigey dalka Mareykanka,waxaana uu Madaxweyne Trump uu ku amaanay qaadashada Go’aankaas

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.