Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo la baahiyay canshuur celintiisa iyo fadeexad cusub oo kusoo baxday
    Somalia

    Video:-Trump oo la baahiyay canshuur celintiisa iyo fadeexad cusub oo kusoo baxday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 15, 2017Updated:March 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2015 bixiyay 38 milyan oo canshuur ah isaga oo ay soo gashay in kabadan 150 milyan oo doolar, sida ay muujinayso canshuur celintiisii oo la dusiyay.

    Telefishinka MSNBC ayaa baahiyay qoraal labo bog ka kooban oo canshuur celin ah, arrintaas ayaana sababtay in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku uu si caro leh uga jawaabo.

    Aqalku wuxuu sheegay in ay sharcidarro tahay in la sii daayo canshuur celintaas.

    Trump ayaa diiday in uu baahiyo canshuur celintiisa intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada Maraykanka, isaga oo ka weecday dhaqan soo jireen ahaa muddo dheer.

    Qoraalkan labada bog ah ayaa ah qayb ka mid ah macluumaadka canshuur celintiisa oo dhan mana faahfaahinayso meesha uu dhaqaalahaasi ka soo galay Trump.

    Saxafiyiintu waxay leeyihiin shaacinta macluumaadkani waa mid muhiim ah wali maadaama oo wax yar uun laga ogyahay canshuur celinta Trump, xogtan cusubina ay caddaadiska ku sii kordhin doonto Trump sidii ku sii dayn lahaa macluumaadka ku saabsan canshuur celin intan ka sii badan.

    Inkastoo baahinta canshuur celinta federaalku ay dambi tahay haddana Rachel Maddow oo ah daadihiyaha MSNBC wuxuu sheegay in ay adeegsanayaan isbadal la sameeyay oo u ogolaanaya baahinta wixii ay dan ugu jirto bulshada.

     

     

     

    Halkan kadaawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.