Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo loo dhaariyay Madaxweynaha 47-Aad Ee Maraykanka
    Somalia

    Trump oo loo dhaariyay Madaxweynaha 47-Aad Ee Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 20, 2025Updated:January 20, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Isniinta maanta, isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMAs61_KaxG0prU-AJMrGWdXo9BbLvawqg2lHA6_ffOFIJX04TQF763Bw-eLzfKbmflnwB6P6EQCBlbB4mZDOje-1.mp4

    Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan.

    Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMdV58yR1FXugsxASK9tQIKk698u6bLf9IG8VqRZTg65vDe7IPDp9Sp86PDTr1_9AJJshs4kszQ6mgYFus-Igis.mp4

     

    Waxa uu ku dhowaaqay bilowga “xilli cusub oo xiiso leh oo guulo qaran ah” maadaama “mowjadaha isbedelka ay dalka ka socdaan,” sida laga soo xigtay qaybo ka mid ah khudbadiisii caleemo-saarka.

    Awaamiirta fulinta ayaa ah tallaabada ugu horreysa ee uu Trump ugu yeeray “dib u soo celinta dhamaystiran ee Ameerika iyo caqliga saliimka ah.”

    Cimilo qabow darteed ayaa keentay in dhaarinta loo raray gudaha Capitol Rotunda – markii ugu horreysay muddo 40 sano ah.

    Xarunta Capitol, madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa markii hore lagu dhaariyay, isaga oo uu dhaariyay garsooraha Maxkamadda Sare Brett Kavanaugh.

    Trump,ayaa ku xigsaday daqiiqado ka dib,isaga oo isticmaalaya Laba bible oo mid ay leeyihiin qoyskiisa iyo kii lagu dhaariyey Madaxweyne Abraham Lincoln 1861-kii, waxaana dhaariyey garsooraha ugu sarreeya maxkamadda sare John Roberts.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQPgQUzhosKC1Wn3lxIrrKsY-hYc_piRLe_lanYXgXCwf6oVodche8JcR59qcVqPRd8drrclYO-YmOqx2Bbix3LZ.mp4

    Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay maal-qabeeno ay ka mid yihiin; Mark Zuckerberg, Jeff Bezos, Tim Cook and Sundar Pichai, iyo sido kale Elon Musk oo aad ugu dhow Trump.

    Caleema-saarka Trump waxa ay xaqiijisay dib u soo laabasho siyaasadeed oo aan horey uga dhicin taariikhda Maraykanka.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMAs61_KaxG0prU-AJMrGWdXo9BbLvawqg2lHA6_ffOFIJX04TQF763Bw-eLzfKbmflnwB6P6EQCBlbB4mZDOje.mp4

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.