Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo shaacinaya qorshihiisa xalinta dagaalka Israel iyo Falastiin.
    Somalia

    Trump oo shaacinaya qorshihiisa xalinta dagaalka Israel iyo Falastiin.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta shaaca ka qaado qorshihiisa uu ku xalinayo dagaalka Israel iyo Falastiin.

    Munaasabad maanta ka dhici doonta Aqalka Cad ayaa astaan u ah xaaladda xiriirka saddexda dhinac, ayada oo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu kasoo dhinac muuqan doono Trump, halka hogaamiyayaasha Falastiin ay sheegeen inaan la casuumin.

    Ka hor inta aan qorshahan la shaacin, Trump waxa uu la kulmay Netanyahu, waxaana uu ku gacan seeray walaacyada Falastiiniyiinta oo diiday qorshahan oo ay ku qeexeen siyaasad taageersan Israel.

    “Waxaan u malayanayaa in ugu dambeyn ay qaadan doono. Aad ayuu ugu wanaagsan yahay. Sidaas darteed, waan arki doonnaa waxa dhaca. La’aantood heshiis ma sameyn karno balse taas waa caadi,” ayuu yiri Trump.

    Ra’iisul wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in qorshaha Trump uusan ahayn wax dhaafsan hab “lagu soo afjarayo qadiyadda Falastiin.”

    Netanyahu ayaa sheegay in qorshahan uu yahay fursad “lagu sameynayo taariikh laguna qeexayo xuduudaha Israel.”

    Trump ayaa horey qorshahan ugu magac daray “Heshiiska Qarniga.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.