Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga iyo Ruushka oo heshiis kala saxiixday
    Somalia

    Turkiga iyo Ruushka oo heshiis kala saxiixday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayeb Erdowan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay heshiis ay ku tilmaameen mid taariikhi ah, kaasoo uu Ruushka ku ayiday qorshaha Turkiga uu zoon dagaalka ka caan uga dhigayo Waqooyiga Suuriya ilaa xadka Turkiga.

    Heshiiskan ayaa kasoo baxay kaddib kulan muddo shan saacadood qaatay oo ay madaxweyne Erdowan iyo madaxweyne Putin shalay ku qaateen magaalada Sochi ee dalka Russia.

    Qodobada heshiiska ku jiro ayaa waxaa ka mida ah inuu sii socdo howlgalka uu Turkiga ka wado waqooyiga Suuriya. In malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ay 30 kilo mitir ka fogaadaan xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya, haddii kalana la burburin doono hubkooda iyo dhufeysyadooda.

    Waxaa kale oo ay Turkiga iyo Ruushka ku heshiiyeen, in ciidamada labada dhinac ay roondo ka billaabaan jihoonka bari iyo galbeed ee aagga uu Turkigu rabo inuu goob dagaalka ka caan ka dhiso ee waqooyiga Suuriya, iyagoo ciidamada ku gaaf-wareegi doono dhul gaaraya 10 km oo ka shisheen doona halka la rabo in la dejiyo qaxootiga Suuriya ee hadda jooga Turkiga.

    Dowladda Turkiga waxay sheegtay in tan iyo inti uu billowday duulaanka ay ku qaaday Waqooyiga Suuriya ay ku dishay 775 ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta, dhankoodana laga dilay 7 askari iyo 79 ka mid ah maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Suuriya ee ka barbar dagaallamaya hadda ciidanka Suuriya.Waxay kaloo sheegeen in rayidka ku dhintay ay gaarayaan 20.

    Laakin hey’adda xuquuqda aadanaha ee kor kala socota colaada sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay Britain ayaa sheegtay in dagaalka ka socda waqooyiga Suuriya ay ku dhinteen 120 qof oo rayid ah, 259 ka mida ah xoogaga kurdiyiinta, 196 ka tirsan jabhadaha Suuriyaanka ah ee la safan dowladda Turkiga iyo 7 askari oo Turkish ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.