Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo billaabay masaafurinta jihaadiyiinta reer galbeedka
    Somalia

    Turkiga oo billaabay masaafurinta jihaadiyiinta reer galbeedka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkey ayaa masaafurisay Jihaadi Mareykan ah, toddoba kale oo Jarmal ahna waxaa la filayaa inay cayriso dhammaadka toddobaadka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha.

    “Hal jihadi oo ah dagaal-yahan argagixiso American ah ayaa laga masaafuriyey Turkey kadib markii uu dhameystay hanaanka” ayuu yiri Ismail Catakli, sida ay ku warantay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu.

    “Sidoo kale barnaamijka safarka ee toddoba qof oo u dhashay Jarmalka ayaa lagu soo geba-gebeeyey xarmaha masaafurinta. Waxaa la masaafurin doonaa 14-ka November,” ayuu yiri.

    Turkey ayaa sidoo kale masaafurin doonta 11 qof oo Faransiis ah oo lagu qabtay dalka Syria, sida uu sheegay afhayeenka.

    Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay masaafurin doonaan muwaadiniin u dhashay Denmark iyo Ireland.

    Turkey ayaa dalalka reer galbeedka ku dhalleeceysay inay diideen in loo masaafuriyo muwaadiniintooda ka midka nqoday kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Iraq.

    “Waxaan masaafurin doonaa, saddex, shan, toban, ma jirto sabab aad uga baxsan kartaan. Waan idin soo diri doonnaa, ula macaamila sida aad doontaan.” Ayuu yiri Ismail Catakli.

    Ma cadda sida Turkey u awoodi doonto inay masaafuriso muwaadiniinta ay dalalkooda kala laabteen dhalashada.

    In kasta oo xeerka New York ee 1961 uu sharci-darro ka dhigayo in dadka laga dhigo dal la’aan, haddana dhowr dal oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Britain ayaan sharicgaas saxiixin, waxaana kiisas arrintan la xiriira ay dhowaanahan billaabeen dagaal sharci oo dheer.

    Britain ayaa dhalashada ka qaadday in ka badan 100 qof oo la tuhunsan yahay inay ku biireen ururo argagixiso oo caalami ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.