Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga Oo Ciidamo Udiraya Libiya
    Somalia

    Turkiga Oo Ciidamo Udiraya Libiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in baarlamanka dalkiisa uu bisha Janaayo u codeyn doono mooshin ciidamo loogu dirayo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli.

    “Waxaan mooshin ciidamo loogu dirayo Libya horgeyn doonnaa baarlamanka, marka ugu horreysa ee kalfadhigga uu dib u billaabo 7-da Janaayo” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara.

    “Insha Allah, mooshinka waa lagu ansixin doonaa baarlamanka, 8-da ama 9-ka Janaayo, si aan uga jawaabno codsi nooga yimid dowladda fadhigeedu yahay Tripoli” ayuu yiri.

    Hadallada Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamanka Turkiga uu sabtidii meel-mariyey heshiis wada-shaqeyn militari iyo mid amni ah oo ay gaareen Ankara iyo xukuumadda Libya ee ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj.

    Hase yeeshee, dirista ciidamo dhulka ah ayaa u baahan mooshin kale.

    Erdogan ayaa arbacadii booqasho aan la shacain ku tagay dalka Tunisia, isaga oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga iyo madaxa sirdoonka dalkaas, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-xaajoodyo ku saabsan sidii xabad joojin looga hir-gelin lahaa Libya.

    Liba ayaa waxaa dhowaanahan halakeeyey dagaal u dhaxeeya dowladda fadhisa Tripoli ee caalamku aqoonsan yahay iyo ciidamo uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar oo doonaya inuu dalka qabsado.

    Turkey iyo Qatar ayaa taageera dowladda Tripoli, halka Haftar uu taageero ka helo Masar, Imaaraada Carabta iyo Russia.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.