Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo digniin adag u diray Gen. Haftar
    Somalia

    Turkiga oo digniin adag u diray Gen. Haftar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in go’aanka uu Jeneral Khalifa Haftar, ee ah inuusan heshiis xabad joojin ah la gelin dowladda Libya ee caalamka aqoonsan yahay, uu muujinayo cidda dagaalka dooneysa iyo tan nabadda rabta ee dalkaas.

    Haftar, oo ah taliyaha Ciidamada Qaranka Libya, ayaa kasoo tagay magaalada Moscow, isaga oo aan saxiixin heshiis la qoray kadib wada-hadallo Russia ka dhacay Isniintii, sida ay sheegtay wakalaadda wararka TASS oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Russia.

    Haftar ayaa horey u weydiistay in la siiyo illaa subaxa Talaadada si uu go’aan uga gaaro heshiiska, kadib wada-hadallo aan toos ahayn oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj.

    Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay haliyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac, sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov.

    Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Ankara, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay in Turkey ay sameysay wixii ay kartay si ay u xaqiijiso xabad-joojin, waxaana uu intaas ku daray in haddii Haftar uu sii wado inuu sidan u dhaqmo, uusan wax macno ah lahayn shirka madaxeedka Libya ee la qorsheeyey inuu Berlin ka furamo Axaddda.

    Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa Sabtidii sheegtay in shir-madaxeed ku saabsan arrimaha Libya ay Axadda soo aadan la yeelan doonto madaxda Russia, Turkey iyo Italy.​

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.