Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo shaqaale militari geeyey Libya
    Somalia

    Turkiga oo shaqaale militari geeyey Libya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkey ayaa 35 shaqaale militari ah gaysay Libya, hase yeeshee kama qeyb qaadan doonaan wax dagaal ah, sida uu sheegay madaxweyne Erdogan oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.

    “Askarta ma dagaalami doonaan. Askar kale oo goor dambe la geyn doono Libya iyagana sidoo kale ma geli doonaan wax dagaal ah,” ayuu Erdogan u sheegay xisbigiisa talada haya, sida uu ku warramay wargeyska Hurriyet Daily.

    Madaxweyne Erdogan ayaa sheegan in askartan ay shaqooyin tababar iyo wada-shaqeyn ah la qaban doonaan dowladda Libya ee QM ay aqoonsan tahay.

    Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyey kulan heer sare ah, oo albaabada ay u xiran yihiin, oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Isniintii, sida uu ku warramay Hurriyet Daily.

    Baarlamanka Turkiga ayaa toddobaadkii tegay ansixiyey in ciidamo militari la geeyo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda dalkaas, oo wajaheysa weerar kaga imanaya Jeneral Khalifa Haftar.

    Turkey iyo Qatar ayaa taageeraya dowladda oo fadhigeedu yahay Tripoli, halka Haftar ay taageeraan dalalka Masar, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta.

    Libya ayaa waxaa ka socday qalalaase tan iyo sanaddii 2011 markii kacdoon ay taageereyso NATO lagu dilay hoggaamiyihii muddada fog xukumayey dalkaas, Muammar Gaddafi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.