Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo sheegay inuu kordhin doono Taageerada uu siiyo Soomaaliya+Sawirro
    Somalia

    Turkiga oo sheegay inuu kordhin doono Taageerada uu siiyo Soomaaliya+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 15, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa kulan kula qaadatay Magaalada muqdisho Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

    Kulanka oo saacado badan ayaa waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Arrimaha,Abaaraha, fatahaadaha oo soo noqday ee Wabiyada iyo qodobo kale, iyaga oo isku raacay in laga wada Shaqeeyo.

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa Dowladda Turkiga waxaa ay ka dalbatay in Wasaaradda laga gacan siiyo sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha Wabiyada ee soo laab laabtay,kuwaas oo dhibaato xoogana u geysta Bulshada.

    Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa waxaa uu Wasiir Fowsiya uga mahad celiyey kulanka ay la qaadatay,isaga oo sheegay in Wasaaradda uu kala Shaqeyn doono waxyaabaha ay uga baahan yihiin in laga caawiyo sidoo kalena ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

    Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya,isla markaana saaxiibka dhow la’ah,waxaana ay gurmadyo xoogan soo gaarsiiyeen markii Soomaaliya ay ka dhaceen waxyaabo ay kamid ahaayeen abaartiii sanadkii 2011 iyo qaraxyo ay dad ku waxyeeloobeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.