Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Twitter-ka oo xaraashaya Kuraas,Miisas iyo Qalabka Muusigga
    Somalia

    Twitter-ka oo xaraashaya Kuraas,Miisas iyo Qalabka Muusigga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 11, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milkiilaha Shirkadda Twitter Elon Musk,ayaa xaraashaya Astaantii hore ee Twitter-ka iyo Agab kale oo Shirkaddu laheyd kaddib markii uu ka guuray astaantaas. Wuxuu iibiyay alaab gaareysa 584 oo ay ku jiraan kuraasta Xafiiska, Sawirro iyo qalabka Muusigga.

    Ilaa bilowgii Sanadkii hore waxay Shirkaddu isku dayeysay in ay dhinto qarashka,iyadoo shaqada ka joojisay kumanyaal Shaqaalihii Shirkadda ah.

    Liiska Agabka la xaraashayo waxaa ku jira calaamadda Shirkadda Shimbirta taas oo weli ku dheggan qeyb ka mid ah dhismaha Shirkadda.

    Xarunta Shirkadda waxay ku taal San Francisco Wadanka Maraykanka.

    Bishii hore waxay Madaxda Shirkada si kumeel gaar ah dhowr meel uga joojiyeen astaanta Twitter-ka.

    Xaraashka Agabka Shirkadda waxa uu bilaabanayaa 12-ka bisha soo socota ee Sebtembar, wuxuuna soconayaa Labo maalmood.

    Elon Musk wuxuu Twitter soo geliyay 44-Bilyan oo Dolar.

    Dhowr tallaabo uu qarashka ku yareynayo,ayuu qaaday.

    Horaantii sanadkan waxay xaraasheen Boqolaal ka mid ah qalab yaalay xarunteeda San Francisco.

    Bishii hore ayey Shirkaddu badashay Astaanteeda aheyd Shimbirta Buluugga ah waxayna ku badashay caalamad X oo isugu jirta Caddaan iyo Madow.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.