Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Twitter ma iska difaaci doonaa weerarka ay kusoo ekaysiisay Shirkada Meta?
    Somalia

    Twitter ma iska difaaci doonaa weerarka ay kusoo ekaysiisay Shirkada Meta?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 7, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto barnaamijka cusub ee Threads oo ay leedahay shirkadda Meta.

    Mulkiilaha shirkadda Meta, Mark Zukerberg,ayaa sheegay in barnaamijkani uu ‘saaxiib la yahay’ Twitter oo ay loolamaan.

    Threads, oo si rasmi ah loo soo bandhigay Arbacadii ayaa waxaa iska diiwaan geliyay in ka badan 30-Milyan oo Qof.

    Mulkiilaha twitter, Elon Mask ayaa yiri “in la tartamo waa wax iska caadi ah balse khiyaanada lama ogola”.

    Muddooyinkii u danbeeyay waxaa muuqatay inuu xifaaltan u dhaxeeyay Labada Nin ee iska leh Labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk.

    Arinta wel-welka ku abuurtay Mulkiilaha Twitter,waa in Barnaamijka Threads ay leedahay Shirkada META oo haysata Macaamiisha isticmaasha Baraha Bulshada kuwa badan ee gaaraya 2-Bilyan oo Qof.

    Twitter,ayaa,waxaa isticmaala 339-Milyan oo Qof,taasoo udhiganta inta isticmaasha oo kaliya Barnaamijka Instragram oo ay leedahay Meta.

    Walwalka Elon,waa in Barnaamijkan cusub si fufud suuqa ugu qabsan karo Twitter oo uusan ubaahnayn suuq gelin cusub.

    Elon Musk,waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay go’aammo isdaba joog ahaa oo uu kusoo rogay Macaamiisha isticmaaasha Twitter.

    Haatan warbaa galay,waxaana Hawada si fudud usoo galay Barnaamij loolan ku ah Twitter,kaasoo durba helay isticmaallayaal aad ubadan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.