Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»U HIILLI HALYEEY HANAD”
    Somalia

    U HIILLI HALYEEY HANAD”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka Puntland Waxaa Ceeb iyo Dhegxumo ugu filan in marka wiilasha Naftood Hurayaasha ahi ay Dalkooda, iyo Sharafta Dadkooda u Naafoobaan aan Wax Daryeel iyo Xuquuq ah toona la siin!

    Waxaa Dhacda oo Markhaati ma doonto ah in marka askari ciidanka Puntland ka mid ahi dhaawacmo ay qoyskiisu daaweystaan. Taas waxaa sii dheer haddii Askarigaas uu isagoo hawl loo diray oo qaran gudanaya uu cid Wax ku gaarsiiyo kas iyo kamma Kay doontaba Ha noqotee in mar labaad qoyskii iyo qolodii uu ka dhashay dhibkaas madaxa saartaan.

    HANAD HERSI FARAH, waa wiilka dhallinta yar ee ku naafoobay hawgal ciidan oo dhaawac culusi ka Soo gaaray xilli uu ku sugnaa Buuraha Galgala oo koodda ka saaran magaalada isha dhaqaalaha Puntland ee Bosaso.

    Waxaaba yaab iyo amankaag ah inuu ka tirsanaa ciidanka ugu dhaqaalaha iyo tababbarka badan Puntland ee ay gacanta ku gayso Dowladda Emaraatku ( Puntland Marine Forces).

    Waxaa dhacday in Halyeey Hanad uu bilo yaallay Galkayo iyo Hargeysa isagoo aan Wax dareen ah lahayn Dowladdii PL ee Prof Gaas uu madaxda ka ahaa iyo saraakiishii wiilkaas ciidankii uu ka dhaawacmay gacanta ku hayeyna aysan Wax is xilqaamid ah ka muujin dhaawaciisa iyo daryeeliddiisa midna.

    Nasiib wanaag waxaa Qoyskii Hanad Xersi Faarax 2 sano ku soo dabiibayeen Dalka India ðŸ‡®ðŸ‡³. Halkaas oo qalliimmo badan, daaweeyn, nafaqeeyn iyo jimicsi joogto ah loogu sameeyey ayna ku baxday adduun aan ka yareyn $100’000 USD ah oo qaraabadiisu dal iyo dibedba isaga kaashadeen.

    Haddaba waxaan u soo jeedinayaa in Madaxda iyo Maamulka Cusub ee talada Puntland hadda la wareegay aysan dhegxumo iyo dhaleeco dambe ka xambaaran naftood hurayaasha dhiiggooda u hibeynaya dalkooda hooyo oo Hanad Yare ka mid yahay.

    Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni Waxaan si shaqsi ah uga codsanayaa inuu il naxariiseed ku soo eego Hanad iyo qoyska uu ka dhashay oo culeys weyn weli uu ka haysto wejiga labaad ee daryeelka iyo daaweeynta Naftiis Hure HANAD HESRI FARAH.

    Hanad waxa uu uga baahan yahay Dowladda Puntland in loo helo kafaalo qaad nololeed iyo mid daryeel caafimaad labadaba. Si taasi ay u suurtoowdo waxaa lagama maarmaan ah in loo helo Dalku-Gal iyo tigid diyaaradeed oo dalka dibaddiisa ah gaar ahaan ((Turkish VISA & Ticket)), dabadeedna kharashka Daaweeynta wejiga labaad ay dowladdu gacan weyn ka siiso ehelka wiilkaas dalkiisa iyo dadkiisa difaacooda u naafoobay.

    Mudane Deni oo u qareemiidda da’yarta soo koreysa ku soo caan baxay haddana ah masuulka ugu sarreeya ee qoraalkaani ku wajahan yahay Waxaan ka rajeynayaa inuu tixgelin iyo garowshiiyo ka Soo bixin doono codsiga aan Baraha Bulshada inaan u soo mariyo dantu ila gashay.

    Mahad idilkeed Allaah baa iska leh!.

    WQ.Abdinur Aden Farah

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.