Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?
    Somalia

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2025Updated:November 9, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mamdani,wuxuu ku dhashay Dalka Uganda,waana 34 jir qaatay dhalashada Maraykanka 2018-kii,waxaa dhalay Aabe Prof.Jaamacadaha wax ka dhiga ah iyo Hooyo Filinada wax ka samaysa oo asalkoodu Hindi yahay,balse Ugandha ka yimid.

    7-sano kadib New York,ayuu hogaamiyay magaalada ugu dadka badan Maraykanka oo Miisaaniyadeedu ku dhowdahay $2-Tirilyan.

    Dimuqraadiyada ay hormuudka ka yihiin reer galbeedka,ayay utahay sharaf guusha Mamdani,waxayna sii xoojinaysaa doorkooda curadnimo ee hogaaminta caalamka.

    Majiro Wadan aan R.Galbeed ahayn oo Qof soogalooti weli ay sii muuqato wakhtigii uu yimid ama kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay dad ahaan iyo diin ahaanba loo doorto hogaamin kursi sare.

    Dimuqraadiyada R.Galbeedku,waxay soo saartay Khan oo London hogaaminaya iyo Mamdani oo New York hogaaminaya,halka Ruush,Shiine,Carab iyo Turki aysan waxba soo kordhin.

    Waa astaan utaagan Dimuqraadiyada iyo xoriyada muuqaalada Mamdani oo ku tukanayay mid ka mid ah Masaajidada New York oo marka laga tusaale qaato waaqiciga hada jira ay la yaab tahay Duqii New York oo Masaajid ku tukunaya.

    Diintaad rabto hayso ee kaliya aqbal kala duwanaanshaha,wada noolaansha iyo wax wada lahaanshaha fariin oranaysa,ayay diraysaa arintan.

    Muslimka ku nool New York,waxay ka noqonayaan Bulshada ku dhaqan 10%,waxaana codka siiyay Bulshooyin kala Diin ah oo ay midaysay Nolosha New York.

    Si gaar ah Dadka Cadaanka ah,ayay utahay fariin ay udirayaan caalamka Islaamka oo ay leeyihiin… (Ma ogolin cunsiriyad ka dhan ah Islaamka).

    Mida kale oo macnaha usamaynaysa Maraykanka oo dhacdadan ku jirta,waa in Maraykanku yahay Dhulka ilbaxnimada,nolosha iyo fursadaha oo waxay sii xoojinaysaa uhayaanka Caqliga iyo aqoonta caalamku uhayaamay halkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.