Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ugu danbayn Ilhaan Cumar oo laga saaray Gudiga Arimaha dibada Aqalka Wakiilada
    Somalia

    Ugu danbayn Ilhaan Cumar oo laga saaray Gudiga Arimaha dibada Aqalka Wakiilada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

    Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.

    Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.

    In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.

    Codeynta maanta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.

    Ilhaan ayaa iska difaacday Aqalka, ayada oo weydiisay haddii ay jirto cid la yaabtay in la beegsaday, “sababtoo ah marka aad awoodda riixdo, awoodda dib ayuu kusoo riixdaa.”

    “Codkeyga wuxuu noqon doonaa mid intan kasii dheer kana sii xoog badan, islamarkaana hoggaankeyga waxaa u dabaal-degi doona dunida oo dhan,” ayey Ilhaan kusoo xirtay khudbaddeeda.

    Jamhuuriga ayaa diiradda saaray lix hadal oo Ilhaan ay horey u tiri “kuwaas oo xaaladaha caadiga ah u diidaya inay ka mid noqoto guddiga arrimaha dibedda,” waxaa sidaas jiri xildhibaan Michael Guest oo ah Jamhuuri laga soo doortay Mississippi.

    Hoggaamiyaha Dimoqraadiga Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Ilhaan ay mararka qaar “sameysay khaladaad” ayna adeegsatay hadallo Yahuud naceyb ah oo la cambaareeyey afar sano ka hor. Balse taasi ma ahan waxa codeynta maanta ay ku saabsaneyd, ayuu yiri.

    “Ma ahan isla xisaabtan, waa aargudasho siyaasadeed,” ayuu yiri Jeffries.

    Xildhibaan Alexandria Ocasio-Cortez ayaa tallaabo dheeri ah qaaday, ayada oo sheegtay in tallaabada Jamhuuriga ay tahay mid ka mid ah “waxyaabaha laga yaqsiyoodo ee laga dhaxlay 9/11,” ayada oo ula jeeda weeraradii September 11 2011 – “beegsiga iyo cunsuriyeynta ka dhanka Muslimiinta Mareykanka ee dalka Mareykanka oo idil. Tani waa mid ka mid ah dhaxalkaas.”

    Waxay intaas ku dartay “Tani waa beegsiga haweenka midabka.”
    Ilhaan ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.