Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»UK oo joojisay Adeegyada Safaaradeeda Soomaaliya+Akhriso
    Somalia

    UK oo joojisay Adeegyada Safaaradeeda Soomaaliya+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi.

    Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xariiri karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.

    UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho.

    Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

    Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, munaasabadaha ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo meelaha kale ee bartilmaameedka u noqon kara kooxaha weerarrada geysta.

    Sidoo kale waxay dowladdu intaasi ku dartay in gudaha Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland ay ka dhici karaan qatar dhinaca afduubka ah, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK.

    Digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ee aad u yaraadeen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho, taas oo loo sababeynayo xirnaashiyaha waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha Caasimada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.