Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ukrain oo danaynaysa ku biirista Gaashaanbuurta Nato
    Somalia

    Ukrain oo danaynaysa ku biirista Gaashaanbuurta Nato

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 18, 2023Updated:June 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa Sabtidii sheegay in aan maamulkiisu fududayn doonin jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri.

    Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan Dalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada.

    Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xiran, xubinimada isbahaysiga NATO, si ay Ukraine ugu fududaato inay ku biirto isbahaysigaas.

    Hase ahaatee Biden,ayaa sheegay in shaqo badan ay u hadhsan tahay, si loo hubiyo in Ukraine ay ay awood u leedahay inay xidhiidhiso hawlaha ciidamada.

    Biden oo la weydiiyey Sabtidii in la fududaynayo jidka ku biiritaanka Ukraine ee NATO, ayaa ku jawaabay, maya, “sababtoo ah, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddan, shuruudaha looga baahan yahay dalalka kale, taasna waxba laga bedeli maayo.”

    Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii ka digay khatarta ka dhalan karta, haddii Ukraine ay ku biirto NATO, taasoo keeni karta, inay horseeddo dagaal dhex mara Labada dhinac.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.