Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ukrain oo weerar ku ekaysiisay Gudaha Wadanka Ruushka
    Somalia

    Ukrain oo weerar ku ekaysiisay Gudaha Wadanka Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 22, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ukraine,ayaa Arbacadi shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11-Diyaaradood oo ah nooca aanan Duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in Difaacooda Cirka uu burburiyay dhammaan Diyaaradahaasi.

    Dowladda Ruushka,ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradi ugu weynaa ee ay Ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee Sannadki 2022-ki.

    Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen Madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib marki ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee Bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine.

    Wasaaradda difaaca Ruushka,ayaa ku warrantay in difaacooda cirka uu dhulka soo dhigay ilaa 45-Diyaaradood oo ah nooca daroonka loo yaqaanno ee dhulka laga hago, kuwaas oo ay ku jireen 11 xabbo oo lagu weeraray Moscow, 23 lagu diray Gobolka xadka ku yaalla ee Bryansk, lix lagu weeraray gobolka Belgorod iyo shan diyaaradood oo lagu kala weeraray gobollada Kaluga iyo Kursk.

    Ruushka,ayaa dhanka kale horumar ka sameynaya bariga Ukraine, halkaas oo ay ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan ilaa 18 boqolkiiba, waxay sidoo kale dagaal adag kula jiraan ciidamo ka tirsan Ukraine oo weeraray gobolka Kursk ee Ruushka.

    Weerarkaas,ayaa noqday kii ugu horreeyay oo uu Ruushka lagu qaado tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.