Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»UPDATE: Xaaladihii ugu dambeeyay ee Boosaaso iyo kulamo socda
    Somalia

    UPDATE: Xaaladihii ugu dambeeyay ee Boosaaso iyo kulamo socda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Ilaalida Kantaroolka iyo Maleeshiyo Beeleed uu hoggaaminayo Nin lagu magaacabo Ciise Yulux oo kamid ahaa Hoggaamiyihii Kooxihii Burcad-badeedka.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu sababay Dhimashada 2 kamid ah Maleeshiyaadka iyo Dhaawaca Saddex askari oo soo kala gaaray Labada dhinac, waxaana haatan degan xaalada Magaalada Boosaaso ee xudunta Puntland.

    Dadka Degaanka ayaa inoo sheegay in Maleeshiyo beeleedku gudaha u galeen Magaalada Boosaaso, iyagoona xirtay aag, waxaana jira Ciidamo kamid ah kuwa difaaca Dowladda Puntland oo ku wajahan Magaalada.

    Saraakiisha amniga ayaa inoo xaqiijiyay inay socoto dadaal ay wadaan Isimada Gobalka Bari, kuwaas oo ka dalbaday Dowladda in la siiyo waqti ay ugu caqli celiyaan kooxaha hoggaaminaya maleeshiyaadkan gudaha u soo galay Boosaaso.

    Dhanka kale, Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo Hay’adaha ammaanka ayaa haatan kulamo ka leh xaalada kasoo cusboonatay Magaalada Boosaaso, iyadoona la filayo inay saacadaha soo socda la hadlaan Saxaafadda.

    Xiisada ka taagan Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay dabada ka riixayaan Kooxihii lahaa shirkadda PDG oo Logistics u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMP, taas oo dhawaan laga qaaday Mashruucan, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Imaaraadka ee gacanta ku haya Ciidanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.