Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Urur Goboleedka ECOWAS oo isku diyaarinaya faragelin Mileteri oo uu ku sameeyo Niger
    SONY DSC
    Somalia

    Urur Goboleedka ECOWAS oo isku diyaarinaya faragelin Mileteri oo uu ku sameeyo Niger

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hogaamiyayaasha afgambiga militari ee Niger ayaa sheegay in urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS uu sameyn karo faragelin militari oo dhow.

    Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ECOWAS ay shir aan caadi ahayn ku qabsanayso caasimadda Nigeria ee Abuja, si ay uga wadahadlaan cunaqabataynta suurtagalka ah ee ka dhanka ah kuwa awoodda qabsaday.

    War qoraal ah oo ay soo saareen golaha milateriga ayaa lagu sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa in la ansixiyo qorshaha gardarada ah ee ka dhanka ah Niger, iyadoo lala kaashanayo dalalka kale ee Afrika iyo qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka.

    Askarta afgambiga geystay ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynihii la doortay ee Mohamed Bazoum afar maalmood kahor.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Nigeria, ahna guddoomiyaha ECOWAS, Bola Tinubu, ka hor shir-madaxeedka.

    Mr Blinken wuxuu u gudbiyay walaaciisa wuxuuna u soo jeediyay taageerada Mareykanka ee dadaallada lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.