Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Axmed Karaash oo casho sharaf u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka (Sawirro)
    Somalia

    VIDEO: Axmed Karaash oo casho sharaf u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan casho sharaf iyo xog waraysi isugu jira la qaatay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka, kuwaasoo maalamahan uu shir uga socday magaaaladda Garoowe.

    Kulankan Cashada ah ee Madaxweyne ku xigeenku u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxaa ka qeybgalay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

    Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa amaanay dadaalka socda ee lagu qabyo-tirayo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland diyaar u tahay marteglinta kulan kasta oo la’isugu soo dhoweynayo Ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay fidsantahay gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.