Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay waqtiga Madaxweynuhu kusoo dhisayo Golaha Wasiirada
    Somalia

    VIDEO: Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay waqtiga Madaxweynuhu kusoo dhisayo Golaha Wasiirada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 3, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wakiilada Dowlad Goboledyada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo ayaa aqbalay codsi uga yimid madaxweynaha dawlad goboledka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo golaha xukuumada cusub.

    Fadhiga golaha wakiilada ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 51 mudane, waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

    Furitaanka kulanka ayaa guddoomiyaha gudiga hab dhawrka ee golaha mudane Shugri Weyrax Kaariye ayaa barlamaanka ka hor akhriyay codsiga ka yimid madaxwaynaha.

    Intaa kabid goleyaasha ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey codsiga madaxweynaha waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan, 2 mudane ayaa diiday, hal mudanena wuu ka aamusay.

    Gaba gabadii qaar kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Jubbaland oo hadlay ayaa soo dhaweeyey muddo kordhinta loo sameeyey xilliga uu madaxweynaha Jubbaland ku soo dhisayo golaha xukuumadda.

    Dadaalka uu madaxweynaha Jubbaland ku bixinayo isku keenidda iyo qancinta guud ahaan dadka Jubbaland oo u baahan in wakhti dheer lagu bixiyo ayey ahayd sababta ka dambeysay codsiga ka yimid xafiiska madaxweynaha ee kordhinta muddada uu ku soo dhisaayo golaha xukuumadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.