Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Congo oo doorasho taariikhiya ay ka dhacayso
    Somalia

    Video:-Congo oo doorasho taariikhiya ay ka dhacayso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 30, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Goobaha codbixinta ayaa la furay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo ah dalka labaad ee ugu wayn qaaradda Afrika.

    Ku dhawaad 40 milyan oo qof ayaa xaq u leh in doorashadan ay codkooda ka dhiibtaan.

    Madaxwayne Joseph Kabila oo dalka Congo ka talinayay tan iyo 2001 ayaa hada xilka ka dagaya.

    Balse doorashadan waxaa hareeyay rabshado ka dhashay ka dib markii ay guddiga doorashada sheegeen in dad gaaraya 1.3 milyan oo qof aysan doorashada maanta ka qayb qaadan doonin.

    Sabtidii musharaxiin iska so horjeeda ayaa waxay ku heshiin waayeen bayaan wada jir ah oo looga gol lahaa in xiisadda lagu dajiyo ka hor doorashada.

    Codbixinta oo saaka billaabatay ayaa waxaa lagu wadaa in galabta maqribadii la soo xiro.

    Haddii doorashadan wax walba sidii loogu talagalay ay u dhacaan waxaa ay noqonaysaa doorashadii ugu horeysay oo si nabad ah xukunka la isugu wareejiyo dalka Congo tan intii uu dalkaasi xuriyadda ka qaatay Belgium 1960.

    Madaxwaynaha hada xilka haya Joseph Kabila ayaa xilka kala wareegay aabihii Laurent ka dib markii la dilay 2001.

    Musharaxiinta ka qaybgalaysa doorashada waxaa ka mid ah Emmanuel Ramazani Shadary, oo horey u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha islamarkana daacad u ah kabila.

    Musharxiinta dhanka mucaaradka ka socda ayaa kala ah Martin Fayulu iyo Felix Tshisekedi Tshilombo,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.