Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dagaaalka Xamaas iyo Srael oo sii xoogaystay
    Somalia

    Video:-Dagaaalka Xamaas iyo Srael oo sii xoogaystay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 5, 2019Updated:May 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalyahannada ururka Hamas ee maamula magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah gantaallo kale ku ganay dhinaca Israil, iyadoo ciidanka Israel-na ay ku jawaabeen duqeymo cirka ah.

    Duqeymaha ay tan iyo Sabtidi shalay is weydaarsanayaan labada dhinac ahaa ka dhigan inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay xamas iyo Israel. Waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac uu sii xoogeysto.

    Raโ€™isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay inuu ciidankiisa ku amray in ay sii wadaan duqeymaha dhinaca cirka iyo dhulka ah ee ay ku beegsanayaan Xamas. Waxaa kale oo uu amray in taangiyada Israel la geeyo xadka magaalada Gaza si ay u duqeeyaan Gaza.

    Maamulka magaalada Gaza ayaa ku warramay in duqeymaha cirka ah ee ay Israil ka wadday Gaza Sabtidi ilaa Axada maanta ah ay ku dhinteen ilaa iyo lix Falastiiniyiin ah oo lab aka mid ah yihiin xoogaga ka dagaalama Gaza.

    Israil ayaa dhankeeda ku eedeyay ururka Hamas, dhimashada hooyo uur laheyd iyo canugeeda yar. Magaalada Ashkelon ee ku taalla xadka Gaza, nin oday ah ayaa ku dhintay madfac ay soo tuureen dagaalyahannada Gaza.

    Millatariga Israil wuxuu sheegay in tan iyo Sabtidii ay maleeshiyada ururka Islamic Jihad ay magaalada Gaza kaga soo tuureen in ka badan 450 gantaal, waxay sheegeen in 150 ka mid ah madaafiicdaasi uu ka hor tagay nidaamkooda difaaca cirka,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.