Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dagaal xoog badan oo ka socda Caasimada Sudan
    Somalia

    Video:-Dagaal xoog badan oo ka socda Caasimada Sudan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 15, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka,ayaa ka socda dhowr Aag oo ku yaalla caasimadda Khartuum.

    Milateriga,ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamada gurmadka deg-dega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.

    Madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo xarunta warbaahinta qaranka ayaa kamid ah meelaha ay sida xooggan rasaastu uga dhacayso.

    Waxaa la arkayay diyaaradaha dagaalka oo gantaalo la dhacaya goobo la rumaysan yahay in ay ka dagaallamayaan ciidamada gurmadka degdega ah.

    Labada Ciidan,ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah Labada Nin ee ugu awoodda badan Sudan.

    Labada Janan,ayaa wixii ka danbeeyay Afgembigii dhacay Oktoobar 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen Gole ka kooban Taliska Milateriga.

    Milateriga,ayaa waxaa utaliya Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah Madaxa Golaha talada Sudan haya.

    Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka Golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo,

    Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo Dowlad rayid ah,ayaa socon waayay kadib markii ay Labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka deg-dega ah loogu biirinayo Milateriga Sudan.

    Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10-sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo Laba Sano gudahood.

    Beesha caalamka,ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://twitter.com/ikushkush/status/1647193514848002049?t=YD00bETc0pAdId8g78KZ4g&s=19

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.