Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Donald Trump oo markale soo rogay xayiraadii Wadamada islaamka ah
    Somalia

    Video:-Donald Trump oo markale soo rogay xayiraadii Wadamada islaamka ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucay Muslimiinta lix dal.

    Xayiraaadda oo la mid ah middii hore waxay dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Sudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka.

    Wuxuu diiwaankii hore ka reebay dalka Ciraaq.

    Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan.

    John Kelly, wuxuu sheegay in madaxweyne Trump uu doonayo in dadka Mareykanka ay nabad iyo amni ku noolaadaan.

    Amarka oo dib u eegis lagu sameeyay wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii midkii hore ay hor istaagtay maxkamad federaal ah.

    Amarkii hore ee Trump wuxuu mamnuucay inMareykanka ay galaan dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiin ah.

    Wuxuu amarkaasi dhaliyay jahwareer dhanka garoomada diyaaradaha ah, ayadoo dad sitay dal ku gal sax ah dib loo celiyay.

    Sidoo kale waxa uu sababay in dibad baxyo waaweyn ay ka dhacaan gudaha iyo dibadda Mareykanka.

    Maamulka Trump wuxuu ku dooday in amarka uu muhiim yahay si Mareykanka nabad looga dhigo.

    Grey line

    Amarka cusub muxuu kaga duwanyahay midkii hore?

     

    Kaaliyaha Trump, Conway, waxay Fox News u sheegtay in Ciraaq ay suuragal tahay in laga saaro dalalka xayiraadda la saarayo.

    Balse lixda dal ee kale ee diiwaankii hore ku jiray ee kala ah Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman, Suudaan iyo Iiraan ayaa markale la filayaa in lagu rago xayiraad 90 maalmood ah.

    Sikastaba, warqad uu qoray Congress-ka oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP, waxaa lagu sheegay in amarka cusub uusan saameyn doonin dadka haysta dal ku galka saxda ah.

    Conway waxay sidoo kale tilmaamtay in dadka haysto green cardka, ee dalalka la xusay ka soo jeeda uusan saameyn doonin amarka la filayo inuu madaxweynaha saxiixo.

     

    Qaxootiga ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa 120 maalmood, sida ay ku warrantay Reuters. Balse Conway waxay muujisay in qaxootiga Suuriya oo dhan aan la hor istaagi doonin.

    Goormuu amarka cusub dhaqangalayaa?

     

    Conway waxay xaqiijisay in amarka uu dhaqangalayo 16-ka bishan Maarso.

    Tabanka maaalmood ee hartay waxaa loogu talagalay digniin ahaan iyo in garoomada Mareykanka aysan buuxhdaafin ama aysan rabshado ka dhicin, si la mid ah bannaanbixii 27-kii january.

    Amarkii hore markii uu soo baxayay qaar ka mid ah musaafuriinta haysta fiisaha waxay ku jireen hawada oo diyaarad ayey saarnaayeen, markii ay gaareen Mareykanka ayaana la xiray.

    Xilligaasi, Mr Trump wuxuu difaacay in amarka la dhaqan geliyo ogeysiin la’aan.

    Wuxuu bartiisa Twitterka ku qoray “Haddii mamnuucidda la siiyo hal isbuuc oo digniin ah, dadka ‘xun’ waxay ku degdegi karaan isbuucaasi gudihiisa”.

    Grey line

    Amarka cusub ee Trump sharciga malala tiigsan karaa?

    Haa waa suuragal. inaan si degdeg ah loo dhaqangelin waxay caawin kartaa in sharciga lala tiigsado.

    Garsoore federaal ah oo diidayay inuu amarkii hore dib uu u soo celiyo, wuxuu ku dooday in dowladda aysan muujinin cadeynta sababta amarka loo soo rogay.

    Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in go’aanka uu xannibay awoodda shaqsiga uu ku safri karo.

    Garsoorayaasha waxay sidookale ogaadeen in “qof ka mid ah qaxooti dalalka la magacaabay uusan dhibaato ka geystay gudaha Mareykanka”.

    Hadaba, amarka cusub waa suuragal inuu la kulmo caqabado dhanka sharciga iyo maxkamadaha ah,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/LI2Arj-s3vg

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.