Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Donald Trump oo xaalku ku ciirsan yahay dhinacyo badana ay kaga furan tahay,Ruushka,Mexico,Bariga dhexe iyo go’aankii mamnuucida islaamka
    Somalia

    Video:-Donald Trump oo xaalku ku ciirsan yahay dhinacyo badana ay kaga furan tahay,Ruushka,Mexico,Bariga dhexe iyo go’aankii mamnuucida islaamka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2017Updated:February 16, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Maamulka Trump iyo Ruuska!!!
    Madaxweynaha talada dalka Maraykanka haya mudada afarta todobaad ah ee Donald Trump iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa, ayaa looga shakisan yahay inay xiriir hoose la leeyihiin dalka Ruushka.
     
    Maalitii talaadada ayay ahayd markii Kaaliyihiisa dhanka ammaanka Michael Flynn ee xukuumaddii uu soo dhisay lagu qasbay inuu is casilo, kadib markii lagu helay inuu been u sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.
     
    Beentani uu sheegay ayaa banaanka u soo baxday kadib markii wariyeyaal u shaqeeya joornaalka New York Times ay daabaceen in Kaaliyihii dhanka ammaanka ee xukuumadda Donald Trump uu xiriir hoose la sameeyay sirdoonka dalka Ruushka iyo safiirka ruushka u fadhiya dalka Maraykanka.
     
    Michael Flynn ayaa arintani markii hore beeniyay, sheegayna inaysan waxba ka jirin, laakiin sirdoonka dalka Maraykanka (FBI-da) ayaa Michael Flynn hordhigtay cadaymo adag oo muujinaya inay duubeen ayna la socdaan wixii ay ka wada hadleen Safiirka Ruushka iyo isaga,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Maamulka Trump iyo Ruushka!!!

     

     

     

    Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta meesha ka saaray wax wada shaqeyn milatari ah oo dhex mara Mareykanka iyo Ruushka, isaga oo sheegay in duruufaha hadda jira aysan ahayn kuwa saxan.
     
    “Hadda ma joogno heer aan wada shaqeyn milatari ku yeelan karno. Hase yeeshee hogaamiyayaasheena siyaasadda ayaa hadli doona oo wax isku raaci doona” waxaa sidaas yiri Mattis oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta NATO ee Brussels.
     
    Ka hor inta wada-shaqeyn milatari aysan dhicin, Ruushka waa inay caddeeyaan inay u hoggaansami karaan xeerarka caalamiga ah, ayuu yiri Mattis.
     
    Hadallada Mattis ayaa yimid kadib markii wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu uu sheegay in Moscow “ay diyaar u tahay inay dib usoo celiso wada shqeyntii ay la lahayd Pentagon-ka”.,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo  muuqaalka

     

    https://www.youtube.com/watch?v=95HqnXeDnQk

     

    Maamulka Trump iyo Bariga dhexe!!!

     

     

    Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, wuxuu sheegay inuu taageerayo qaabkastoo nabad lagu heli karo.

    Hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta waxay sheegayaan inay jirto cabsi ah in Trump uu ka noqdo taageerada Mareykanka ee ah inay dal noqdaan Israa’iil iyo Falastiin.

    Trump oo shir saxaafadeed ay isla qabteen Benjamin Netanyahu, wuxuu madaxweynaha Mareykanka ku ballan qaaday inuu heshiis weyn oo nabadeed uu keeni doono labada dhinac.

    Wuxuu sheegay inay waajib tahay in labada dhan ay isu tanaasulaan.

    “Hadaba waxaan eegayaa arrinta ah inay laba dal noqdaan iyo hal dal oo keli ah inay noqdaan,” ayuu yiri.

    “Aniga waxaan jeclahay midka labada dhinac ay ku heshiiyaan ee ay jecel yihiin.”hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Maamulka Trump iyo Qaramada midoobey!!!

     

     

     

    Ka dib hadalkii madaxweynaha maraykanka Trump ee ku aadanaa wada hadalada Srael iyo falastiin,ayaa waxaa fal celis ka bixiyay oo ka hadlay hogaamiyayaal kala duwan oo caalamka ah.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Antonio Guterres,ayaa ka mid ahaa madaxda hadashay oo ka hor timid hadalka Trump.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa sheegay inaysan jiran waddo kale oo lagu xallin karo qalalaasaha Israa’iil iyo falastiin, aan ka ahayn inay laba dal oo deris ah noqdaan.

    Hadalkaasi Qaramada Midoobey ayaa yimid ka dib markii Trump uu ka baxay siyaasaddii Mareykanka ee tobannaanka sano ku wajahneyd qalalaasaha Israa’iil iyo Falastiin.

    wuxuu beesha caalamka ka dalbaday inay wixii ay awoodaan sameeyaan si loo helo xalka ah in laba dal oo deris ah ay noqdaan israa’iil iyo Falastiin.

    Wuxuu tilmaamay inaysan jiran tallaabo kale oo lagu xalliyo qalalaasaha labada dhinac u dhexeeya.

    Heshiiska beesha caalamka waxaa si gaar ah u riixaya Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Ruushka.

    Balse Mareykanka ayaa marar badan wax ka badalay siyaasadda kaga aadan arrinta ah in laba dal oo deris ah ay noqdaan Israa’iil iyo Falastiin.

     

    Xaalka Donald Trump iyo maanta!!!

     

     

     

    isku soo wada duuboo Donlad Trump oo talada Aqlka-cad haya mudo ka yar bil waxuu wajahayaa fashil weyn oo lasoo gudboonaaday.

    Trump ayaa waxaa haysta culasyo dhawr ah oo kaga yimdi dhawr jiho siyaasadeed oo uu fashil deg-deg ah kala kulmay,kuwaasoo kala ah:-

     

    B.Iscasilaadii lataliyihisii dhanka amniga,kadib markii la helay cod laga duubay isagoo la gorgortamaya sirdoonka Ruushk.

    T.Go’aankisii uu ku mamnuucay dadka kasoo jeeda  todobo wadan oo islaam ah in ay soo galaan Maraykanka oo socon waayay si weyna looga hor yimid.

    J.Go’aankisii xirida xuduuda Mexico iyo darbi ka dhisidii uu qorshaynayay oo sii fashilmaya.

    X.Hadalkan hada kasoo yeeray ee ah waxaan taageersanahay in Srael iyo falastiin hal dal isku noqdaan.

     

    Waxaa hada isha lagu haya todobaadyada soo socda iyo hogaaminta Trump halka ay ku danbayso.

     

     

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.