Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Erdogan“Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Nasiyiinta, waana Fajiistiyaal,”
    Somalia

    Video:-Erdogan“Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Nasiyiinta, waana Fajiistiyaal,”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan  ayaa dowladda  Dutch-ka ku dhaleeceeyay go’aanka ay ugu diiday in ay dalkeeda ka degto duyuurad sitay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga  Mevlut Cavusoglu.

     Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweyne Erdogan xaflad caleemo saar oo maanta oo Sabti ah ka dhacday magaalada Istanbul, isagoona xaqiijiyay in duyuuradda uu la socday Mr. Cavusoglu laga hor istaagay in ay caga dhigato dalka Netherland.

    “Sidee duulimaadyada diblomaasiyiintiina ku imaan karaan halkan kadib markii aad wasiirkeeda arimaha dibadda u diideen ogolaansha?”  ayuu Erdogan su’aalay madaxda Dutch.

    “Ma yaqaanaan siyaasada ama diblomaasiyadda caalamiga ah. Kuwani waa dhaqankii Naziyiinta, waana Fajiistiyaal,” ayuu hadalkiisa ku daray.

    Wasaaradda arimaha dibadda ee Dutch ayaa horey u sheegtay in ay is hor istaag ku sameysay duyuuradda uu la socday wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu in ay ka degto dalka Nertherlands taas oo ay sabab ugu dhigeen amniga iyo bad qabka dadweynaha.

    Mevlut Cavusoglu, oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga ayaa sida uu qorshaha uu ahaa waxaa lagu waday in uu khubad u jeediyo jaaliyadda Turkiga ee ku dhaqan magaalada Rotterdam ee dalka Nertherland.

    Wareysi uu siiyay TV-ga CNN Turk ayuu wasiirka arimaha dibadda ku sheegay in haddii Netherlands ay is hor istaag ku sameyso booqashadiisa, ay wajahi doonto cunaqabateyno adag oo saameeya dhaqaalaha iyo siyaasadda dalkaas.

    Dhowr munaasabadood oo ay aheyd in ay ka qeybgalaan saraakiil ka tirsan xisbiga talada Turkiga haya ee AKP oo dalka Jarmalka lagu qaban lahaa ayaa laga joojiyay taas oo dowladda Jarmalku ku sababaysay amniga dartiis.

    Ku dhowaad 1.5 milyan oo muwaadiniin Turki ah ayaa ku nool dalka Jarmalka kuwaas oo xaq u leh in ay ka qeybgalaan aftida loo qaadayo dastuurka Turkiga oo isbedel dhanka awoodaha madaxweynaha lagu sameeyay.

    Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in talaabadan ay qaatay Barlin ay tahay mid tusaysa in Jarmalku wali baaqi ku sii yahay dhaqankii Naziga,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/z1IvUxrgOmc

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.