Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Golaha wasiirada Hir-Shabelle oo maanta la dhaariyay
    Somalia

    Video:-Golaha wasiirada Hir-Shabelle oo maanta la dhaariyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Munaasabada dhaarta golaha wasiirada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxa uu soo bandhigay qorshaha dowladiisa ee afarta sano ee soo socota.

    Hadal gaaban oo uu jeediyay golaha wasiirada ee la dhaariyay ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi waxaa kula dardaarmay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan isla markaana ummadooda ay ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan.

    Sidoo kale munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

    Xildhibaanada la dhaariyay ayaa waxaa ay isugu jiraan 23 wasiir,6 wasiiru dowle iyo 23 wasiir ku xigeen. Golaha wasiirada ayaa 33 ka mid ah waxa laga soo xulay xildhibaanada baarlamaanka halka inta kale aysan ahayn xildhibaano,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/fXjUT0A31ys

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.