Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Halkee ka hawlgeli doonaan Ciidamada Badda ay Itoobiya yagleelayso?
    Somalia

    Video:-Halkee ka hawlgeli doonaan Ciidamada Badda ay Itoobiya yagleelayso?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saddex iyo toban Sarkaal oo bartay taliyenimada ciidamada badda ee dalka Itoobiya ayaa ka qalin jabiyey machadka Babogaya oo lagu tabbaro ciidamada Badda.

    Saraakiishan ayaa muddo lix bilood ah tababar ku qaatay Machadka hoos yimaadda wakaaladda adeegga Lojistikada iyo gaadidka badda ee dalka Itoobiya ee Babogaaya.

    31 xirfadlayaal oo kale oo sidoo kale tababar dhanka ciidamada badda ah ku qaatay isla machadka ayaa qalin jabiyey.

    Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa haddana wadda tabarka saraakiil iyo ciidamo kale oo dhanka badda ah.

    Sida ay sheegtay Warbaahinta afka dawladda ku hadasha ee FANA, Saraakiisha iyo xirfadlayaasha tababarku usoo dhammaaday ayaa waxay isugu jiraan kuwa horay uga soo shaqayn jiray maraakiibta dalka Itoobiya iyo qaar kale oo leh waayo aragnimo dhanka ammaanka badda ah.

    Saraakiishan uu tababarku u dhammaaday ayaa ah saraakiishii labaad ee ka soo baxa machadka ciidamada badda.

    Markii ay Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxa ay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday talaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda.

    Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig baddeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah.

    Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo baddeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”.

    Maxaa kalifay tallaabadan?

    Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammadu ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna ay samaynayaan isbadalada loo baahanyahay. Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aysan isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii horey loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato.

    Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso.

    Waxaa jira Khad tareen oo isku xira labada dal oo dherer ahaan gaaraya 759 km, kaas oo fududeeyey in badeecooyinku ay u kala gooshaan labada dhinac.

    Hase ahaatee Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaal.

    “Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan waydo waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yiri Roba.

    Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan

    Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka.

    Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof.

    In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa badda waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale badan.

    Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/394448271125671/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.